Howlgal qorsheysan oo ay ka wada qeybqaateen ciidamada dowlada iyo kuwa saaxbibada caalamiga laga fuliyey deegaan ku dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
By -
June 17, 2023
0
War goor sii horeeysay lagu faafiyay warbaahinta dowlada federalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka wada qeybqaateen ciidamada dowlada iyo kuwa saaxbibada caalamiga laga fuliyey deegaan ku dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
“Caawa Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.”ayaa lagu yiri war lagu daabacay warbaahinta dowlada.
Warka ayaa intaa ku daraya in gantaalo lagu garaacay goob ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan Alshabaab. Hase yeeshee majiro warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada dowlada.
Tags: