Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Mudane Axmed Meyre Makaraan Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore ee Dowladii kumeel gaarka aheed ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo gaaray Deegaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe
Shacabka Deegaanka oo isugu so baxay wadooyinka Magaalada ayaa so dhaweyn u muujiyey Madaxda
Imaatinka Madaxda ayaa ku saleysna in goobjoog ka noqdaan hishiis nabadeed ay gaareen beelo walaalo ah oo horey xurguf dagaal ku dhexmartay Deegaanka islamarkaana gaartay in si cadaalad iyo nabad ku jirto ku kala baxaan
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa Bulshada Gobolka Shabellaha Dhexe ugu baaqay in wanaaga kaga daydaan shacabka Biya-Cadde si loo yareeyo dilka aanooyinka Qabiil ee kuso laalaabtay Gobolka.